Aadan Madoobe oo tagay Xudur xilli ay jirto xiisad siyaasadeed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Muddo xileedka madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen ayaa xudun u ah xasarada siyaasadeed oo laga cabsi qabo in au gacan ka hadal dhaliso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Aadan Madoobe ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo dadweyne aad u tira badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka iyo Guddoomiyaha degmada oo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go'doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan iyo Kooxda Khawaariijta Al-Shabaab oo dadka u diiday xornimo inay ku noolaadaan.

Maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku ammaanay sida dadka deegaanka ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Khawaariijta, isla-markaana muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan caadeysatay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Socdaalka guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli Koonfur Galbeed ay ka jirto xiisad salka ku haysa muddo xileedka madaxwayne Laftagareen. Aadan Madoobe ayaa horey ugu baaqay shir dib-u-heshiisiin ah kaasoo ku saabsan la filayo in uu dhowaan ka qabsoomo magaalada Baydhabo wallow cago jiid badan uu jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM