Abuu Cubeyda: Amiirka Al-Shabaab oo shaashadaha kasoo muuqdey

Image
Inkasta oo wajigiisa la qariyay, wareysigan ayaa lagu waramay in uu bixiyey gabagabada shir dhacay dhowaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Amiirka dagaalameyaasha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cudeyda ayaa lagu arkay muuqaal cusub isaga oo wareysi siinaya garabka warfaafinta ee xoogaga gacan-saarka la leh ururka Al-Qaacida.

Abuu Cubeyda ayaa wareysiga uga hadlaya howlgalada milatari ee ay waddo dowladda Soomaaliya iyo xaaladda Suudaan taasoo ka dhigan in cajaladan la duubay todobaadyo kahor.

Inkasta oo wajigiisa la qariyay, wareysigan ayaa lagu waramay in uu bixiyey gabagabada shir kooxdu sheegtay in ay hogaankooda, wadaada taabacsan iyo odayaal dhaqan yeesheen May 8-15, 2023.

"Waxa uu u muuqdaa mid dheer, (malaha) garkiisa waa timo cirro leh. Waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda," ayuu yiri falanqeeye dhanka ammaanka ah.

Horjoogayaasha ugu sarreeya Al-Shabaab ee safka hore ka fadhiyey shirkan ayaa waxaa laga aqoonsaday Cali Dheere oo ku magacaabay Afhayeenka guud ee maleyshiyaadka argagixisadda ah.

Sidoo kale, waxaa goobta kasoo muuqdey Xasan Yacquub oo ku magacaabnaa guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Galguduud Waali hore balse lama ogga doorka uu waqti-xaadirkan ku leeyahay kooxda.

Balse, waxaa la sheegay in Yacquub uu hawlo badan oo wacyigelin ah u hayo kooxda. Sheekh Maxamed Aala-Suldaan, madaxii hore ee sakada balse hadda sida lagu sheegay la taliyaha sare ee amiirka ayaa si lamid ah safka ku jira.

Mareykanka ayaa aduun lacageed dhan $10 milyan doolar waxa uu dul-dhigay madaxa Abuu Cubeyda taas oo loo balanqaadey in la siin doono qof walba oo keena macluumaad lagu qaban karo ama lagu khaarijin karo horjoogahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM