Adeega Internet oo ka go'an Muqdishu iyo gobolo ka tirsan Koonfurta Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia-  Adeega Internet-ka oo muddo Labo maalmood ah ka go'naa magalada Muqdishu ayaa saameyn xoog leh  ku yeeshey ganacsiga iyo arimaha kale ee bulshada u adeegsato isticmaalka aaladaan iyadoo magaalo Muqdishu noqotey halka uga daran uu saameynta ku yeeshey .

Adeega Internet oo magalaada Muqdishu iyo qaybo ka tirsan Koonfurta Somalia u soo mari jirey  Isgaarsiinta loo isticmaalo fiber-optic ee badda hoosteeda soo marta ayaa wararku waxaa ay sheegayaan Inuu jiirey Markab.

Shirkada Hurmuud oo iyadu adeegaan bixisa ayaa sheegtey iney ku mashquulsan tahay sidii dib loogu hagaajin lahaa iyadoo Markabkii shaqada ka qaban lahaa uu ku sii socdo goobtaas.

Internet go'ay ayaa saameyn ku yeeshey dhamaan adeegyadii xawiladaha iyo Warbaahinta halka dhinaca kale uu ku soo beegmay munaasabadii ciidul Fitr-ga.

Dalka Somalia ayaa kamid ah dalalka Africa ugu horeeya isticmaalka Isgaarsiinta Internet-ka iyadoo dadka Somalida aad ugala socdaan arimaha dalkooda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ka cududaaranaya dib u dhaca ku imaan Kara wararka ka jira Koonfurta Somalia gaar ahaan magalaada Muqdishu 

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM