Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka oo ka codsaday Maraykanka fududeynta isu socodka labada dal

Image

WASHINGTON - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada ee Aqalka Golaha Wakiilada Mareykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, hanaanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro uruka ‘AS’.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa soo jeediyay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi.

Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa dhankoodii Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarineed iyo shaqooyinka horutabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan, waxayna tilmaameen in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameeyn doono bog cusub oo iskaashi ah.

Qoraal lagu daabacay bogga Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulamadan ay qeyb ka yihiin dadaalada uu Guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xirirka wadashaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM