Afhayeenka cusub ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah afhayeen cusub ku doortay magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

Xilkan waxaa isku soo sharaxday saddex murashax kuwaasoo kala ahaa; Dr Maxamed Nuur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Calasow ayaa markii la yimid madasha coddeynta ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka jagadan. Sababta ayuu ku sheegay si uu waqtiga u soo gaabiyo.

Tani ayaa waxay aad u xoojisay fursadda ku saabsan in wareega koowaad lagu kala bixi doono coddeynta.

Coddeynta ayaa la guda galay, waxaana codkooda dhiibtay 89 mudane oo uu ka kooban yahay baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kadib coddeynta, waxaa la bilaabay tirinta, iyaddoo Guddiga doorashooyinka baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee cod-bixinta.

Sidda laga soo xigtay guddiga natiijada coddeynta ayaa noqotay

Dr Maxamed Nuur Gacal - 54

Cabdinasir Aaden Cismaan - 34

Waxaa xumaadey hal cod

Natiijada ayaa ka dhigan in Dr Gacalo, oo isla goobta lagu dhaariyey, loo xushay xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada maamul goboleedka Galmudug.

Doorashada labada ku xigeen ayaa la guda gelayaa dhowaan. Coddeyntan gudoonka kadib, waxaa maalmo kadib la filayaa in ay qabsoonto doorashada madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM