​Afhayeenkii maamulkii hore Ximan iyo xeeb oo la dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Afhayeenkii maamulkii horey uga talin jiray gobollada dhexe ee Somalia qayb kamid ah kahor intuusan la Midoobin Galmudug ayaa lagu dilay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Kooxo watay dharka ciidamada dowladda Somalia ayaa Axamed Cumar Hagafeey, ku toogtay Agagaarka Isbitaalka Digfeer.

Lama oga cidda falkaas ka dambaysay iyo waliba sababta loo dilay, balse goob jooge ka ag-dhawaa goobta weerarku ka dhacay ayaa GO u sheegay inay fuliyeen kooxo watay baabuur.

Dablaydii falka gaysatay ayaa goobta ka baxsatay.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia, ayaa goobta gaaray kuwaas oo baaritaano kala duwan ka sameeyay qaybo kamid ah caasumadda Somalia.

Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan ka dambaysa weerarada kudhufo oo ka dhaqaaq ah kuwaasoo lagu khaarajiyo saraakiil hore iyo kuwo katirsan dowladda Somalia iyo maamullada dalka ka jira.

Dilkan ayaa yimid saacado uun kadib markii kooxda Al Shabaab magaalada Muqdishu ku dishay General Xassan Dheere oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Somalia gaar ahaan Nabad Sugidda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM