Agaasime cusub oo loo magacaabey Hay’adda Socdaalka

Image

MUQDISHO, (GO) - Kulan uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey magacaabista Maareeyaha cusub ee Hay’addaasi Axmed Siciid Maxamed.

Waxaa xusid mudan in Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) lagu eedeeyay musuq maasuq, kadibna uu iska casilay xilkaasi.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleyman Maxamed Maxamud ayaa laba todobaad ka hor soo saaray liiska 18-xubnood oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq, kuwaasi oo uu ku jiray magaca Agaasimihii hire oo Xeer Ilaaliyaha sheegay inuu dalka isaga cararay.

Kulankan oo uu shir gudoominayey Mudane Saalax Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Ka sokow ansixinta magacaabista agaasimaha cusub, shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM