Shaakir: Qeyb kama nihin doorashada ay DF boobeyso ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku dhawaaqay in Ahlu Sunna Wal Jameeca aysan qeyb ka ahayn "doorashadda boobka ah ee Galmudug".

Qoraal uu Talaadada maanta ah soo saarey ayuu Madaxa Xukuumadda Galmudug ku shaaciyey in dowladda federaalka ay "afduubatay doorashada gudoonka baarlamaanka".

"Waxaan ka digeynaa in maamul goboleedka Galmudug uu dib-u-dhac iyo is-faham-waa ku dhamaado," ayuu yiri, isagoo ku baaqay in fiiro gaar loo yeesho "faragelinta" xukuumada.

Go'aanka Shaakir ayaa kusoo aadaya kadib markii Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug uu yeeshay gudoon cusub isla markaana uu soo saarey jadwalka codeynta.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ayaa loo muddeeyay in la doorto 30-ka bishaan Janaayo ee sanadkan 2020-ka, sidda ku cad warqadda uu arkay Garowe Online.

Doorashada hogaanka guddiga ayaa dhacday iyaddoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu Sunna oo ku saabsan in ururka uu majaraha u qabto kooxda maamuleysa cod-bixinta.

Ahlu Sunna oo wadar ahaan baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas ku leh 20 sharci-dejiye ayaa si gaar ah waxay Guddiga doorashadda ku leedahay lix xubnood.

Lixda Xildhibaan ee Ahlu Sunna oo shir jaraa'id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ku goodiyey in ay doorasho kale qaban doonan hadii aanan xal laga gaarin cabashadooda ka dhan ah dowladda.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM