Ajendaha looga hadlayo shirka uu Farmaajo kaga qeybgalayo Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaaladda Addis Ababa ee Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka IGAD.

Dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka, oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo danaha wadamada ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxda ayaa waxa ay ka wada hadli doonan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Hoggaamiyeyaasha ayaa si lamid waxay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka.

"...iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira," ayuu Garowe Online kasoo xigtay xafiiska Farmaajo.

Farmaajo ayaa "la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah Gobolka".

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan.

"Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale," ayuu ku daray.

Ajendaha ugu weyn ee shirka uu Farmaajo ka qeybgalayo ayaa waxaa ugu muhiimsan dib u habeyn lagu sameynayo qaabka uu u shaqeeyo ururka iyo waliba gudoomiyaha cusub ee bedelaya Abiy Axmed.

Xilka gudoomiyaha oo lagu waddo in shirkan go'aan looga gaaro ayaa waxaa isku haysta Jabuuti, Kenya, Soomaaliya iyo Uganda, waxaana Itoobiya ay heshay jagadda xoghayaha fulinta oo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM