Ajnabi ay Dowladda Soomaaliya dooneysay in ay ciqaabto oo baxsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah xaqiijisay in uu baxsaday dhakhtar ajnabi ah oo ay dooneysay in ay ciqaabto kadib markii uu geystay "xadgudub".

Dhakharka oo ka shaqeynayey Isbitaalka Masaarida ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dharbaaxay gabar Soomaali ah, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Caafimaadka.

Ma bixin wasiirka fahfaahin ku saabsan in haweenayda lagu xadgudubay ay ahayd bukaan ama in ay ka tirsan tahay howlwadeenada Isbitaalka.

Hadalkan ayay Fowziya Abiikar Nuur ka sheegtay fadhi uu maanta yeeshay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah, kaasoo lagu su'aallay Wasiirrada Caafimaadka iyo Gargaarka.

Fowziya ayaa dhacdadaan soo qaadey xili ay ka jawaabeysay su'aal ku saabsan waxa uga qorsheysay dhibaatooyinka ay geystaan dhakhaatiirta shisheeyaha ee soo badanaya.

"Ajnabigaan dhib ayuu nagu hayaa, sharciga idin yaala, hadii aad noo ansixisaan, wax badan ayaa istaagayo. Ajanbiga yimaada, qaarkood Syria ayay ka yimaadaan," ayay tiri.

Drs Fowziya ayaa xustay in ay bilaabeen diiwaan-gelinta xarumaha ay furanayaan ajaaniibta, si ay u hubiyaan aqoontooda dhanka caafimaadka.

"Syria iyo Yemen, ninka kasoo baxay oo sheeganaya in uu yahay [khabiir], aniga ma koontarooli karo, sababtoo ah meel laga koontaroolo ma leh magaaladana waxaa u taala in uu senior-yahay".

Sidda laga soo xigtay Fowziya, dhakhtarka baxsaday ayaa "maalin cad" ka dhoofay garoonka Aadan Cadde markii ay damiinteen shaqsiyaad aysan carabaabin magacyadooda.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhakhtarkaas saartay xayiraad ku saabsan in uusan dalka soo gelin karin, sidda ay tibaaxday Drs Fowziya, oo aan soo bandhigin magaca iyo jinsiyadiisa.

"Sababtoo ah hadii aanan annaga ciqaabin oo dadkeenana aanan ilaalin, waa ceeb kale oo ku taala Wasaaradda Caafimaadka," ayay qirtay.

Xadgudubka uu ku kacay dhakharka baxsaday ayaa waxay timid markii shaqaalaha caafimaadka Isbitaalkaas loo diiday mushaharkooda, Wasaaraduna sameysay faragelin guuldareystay.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM