Aktar caan ah oo lacag u aruuriyay dadka Somaliyeed

Image
Image

Aktarka caanka ah ee reer Mareykan Ben Stiller ayaa Bartiisa Twitterka ka bilaabay Olole uu Turkish Airline kaga dalbanaayo in ay ku deeqaan hal diyaarad oo weyn oo qaada Cunto iyo Cabitaan si ay u gaarsiyaan Dadka Somaliya ku dhibaateeysan.

Wuxuu Taageerayaashiisa ka codsaday in qof walba Cinwaakiisa uu soo dhigo Kalmadda (TuskishairlinehelpSomalia), waana dhacday in malaayiin qof campaign-ka ka qeyb qaataan.

Turkish Airline oo aragtay codsiyada loo soo gudbinayo ayaa si rasmi ah Boggooda kusoo daabacday, "Waan jecelnahay Somaliya, waana aqbalnay in si Free aan ku qaadno Gargaarka Somaliya la geynaayo."

Fikirka lagu caawinayo Somalida abaarta ay heyso waxaa markii hore bilaabay Jeromme Jarre oo ah 26 jir u dhashay France.

Hada Aktarka iyo Taageerayaahiisa ayaa 24 saac ee ugu dambeeysay Iska aruuriyay lacag  ka badan Hal Milyan oo dollar.

Kharashkaas ayaa lagu gadi doonaa Cunto, Cabitaan, Dhar, Daawooyin iyo Gargaar kale.

Arintaan ayaa baraha bulshada qabsatay, Waxaana wali socda Ololaha gurmadka abaaraha Somalia.

Diyaarad nooceeda uu yahay TK686 Turkish Airlines ayaa 10 maalin u qabatay actarka in uu Kusoo diyaariyo Gargaarka dhan 60 Kun oo tan, waana diyaarad aad u weyn oo qaadi karta Gargaar ka badan 5 Milyan oo Dollar.

27 bishaan ayaa lagu wadaa diyaaradaas oo sida Gargaar badan in ay soo cago dhigato Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid xilli sidaan oo kale nin u dhashay dalka Afghanistaan uu dalka Ingiriiska uga bilaabay olole loogu gurmanayo dadka Somalia.

Waxaa sidoo kale jira ajaanib ka dhiidhiyaysa xaaladda adag ee ay wajaheen shacabka Somaliyeed kuwaasoo haatan u dhimanaya abaaro iyo xanuuno ka dhashay nafaqo darrada baahsan kajirta dalkan dhaca Geeska Africa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM