Al shabaab iyo Ciidamada Ethiopia oo ku dagaalamay Halgan

Image

HALGAN, Somalia - Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Dagaalyahanno katirsan Ururka Al shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Ethiopia ee deegaanka Halgan.

Xoogaga Al shabaab ayaa dhowr Jiho ka weeraray Deegaanka Halgan, waxayna gudaha isku fara saareen Ciidamada Ethiopia, iyadoo lagu soo waramayo in labada dhinac isku adeegsadeen Hubka Culus, oo dhawaqiisa laga maqlayay deegaano fog.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka xoogiisa uu ka dhacay Wadadka ka timaada dhanka magaalada Beledweyne, halkaasi oo Ciidamada Ethiopia ay fariisamo military ku leeyihiin.

Al shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka, sida lagu baahiyay Baraha Internet-ka ku leeyihiin, waxayna sheegeen inay qeybo katirsan Halgan kala wareegeen Ciidamada Ethiopia.

Wali lama oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka Halgan, oo dhawaan Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM dib ugala wareegeen Al shabaab.

Fahfaahinta dagaalka kala soco warakeena dambe Haddii Alle idmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM