Al shabaab oo 57 dagaalyahan looga dilay Jubba hoose

Image

KISMAYO, Jubbaland- Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay in weerar ay ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan duleedka degmada Afmadow ay ku dileen 57 xubnood oo katirsanaa Al shabaab.

Korneel Joseph Owuoth ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay dagaalyahanada uu ka dhacay saakay oo Khamiis ah deegaan ay Al shabaab maamusho, oo 32KM waqooyi-galbeed uga beegan degmada Afmadow.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarka uu ka dhashay dagaal saacado qaatey oo ay ka qeyb-qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka kuwaasi oo duqeyn ka fuliyay deegaanka la weeraray.

"Weerarka wuxuu ahaa mid qorsheysan oo aan ka fulinay duleedka Afmadow, waxaana ku dhimatay 57 katirsana Al shabaab, tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen," Ayuu Colonel Joseph Owuoth.

Wuxuu intaas ku daray Colonel Joseph Owuoth in ciidamada Kenya ay aad u feejigan yihiin, sidoo kalena ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al shabaab, si ay u xaqiijiyaan amniga dalkooda iyo xasilinta Somalia.

Bishii January, Al shabaab ayaa weeraray saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow, kaasi oo ay ku dileen 66 katisaraan ciidamada difaaca dalka Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sanadkii hore Billowgiisa, ayay sidaasi oo kale u weerareen Al shabaab saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel cadde oo katirsana gobolka Gedo, waxayna ku dileen sida Al shabaab sheegtay in ka badan 100 Askari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM