​Al Shabaab oo afar ruux ku dishay Jubbada hoose

Image

JAMAME, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa afar ruux oo jaajuusnimo ku eedaysay ku dishay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose maalintii shalay gelinkeeda dambe.

Ragga la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Ibrahim, 28 Jir, Yusuf Makaraan, 58 Jir, Cabdullaahi Cumar Xassan, 26 Jir, iyo Siyaad Cali Cabdi, 26 Jir ahaa ayaa loo dilay inay la shaqeyn jireen Sirdoonka Kenya iyo Mareykanka.

Siyaad Cali Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu u basaasi jiray CIA-da Mareykanka, wuxuuna sida ay kooxdaas dilkiisa u xuskatay u fududeeyay weerar dhanka cirka ah oo Bishii Maarso, 2016 ka dhacay deegaanada Qoob-yaxaas iyo Raaso ee gobolka Hiiraan kaasi oo lagu dilay 150 katirsanaa Al shabaab.

Siyaad Cali Cabdi ayaa sidoo kale la sheegay inuu gacan ka geystay dilkii Maxa'ed Dulyaddayn, hogaamiyihii Al shabaab u qaabilsanaa Jubbooyinka, kaasi oo lagu dilay deegaanka Buulo-Gaduud sanadkii tagey.

Al shabaab ayaa meel fagaaro ah ku gowracday Siyaad Cali Cabdi, halka saddexda kalena ay toogasho ku dishay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Al shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay toogasho ku dishay Askari u dhashay dalka Uganda oo lagu qabtay weerarkii deegaanka Janaale, oo 90KM u jiro Muqdishu Bishii September, 2015.

Xarakadan oo laga saarey deegaano badan wixii ka dambeeyay 2011, ayaa isku dayaysa inay carqaladayso Doorshooyinka ka socdo dalka, iyadoo fulinaysa qaraxyo kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM