​Al Shabaab oo afar ruux ku dishay Jubbada hoose

Image

JAMAME, Somalia- Kooxda Al shabaab ayaa afar ruux oo jaajuusnimo ku eedaysay ku dishay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose maalintii shalay gelinkeeda dambe.

Ragga la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Ibrahim, 28 Jir, Yusuf Makaraan, 58 Jir, Cabdullaahi Cumar Xassan, 26 Jir, iyo Siyaad Cali Cabdi, 26 Jir ahaa ayaa loo dilay inay la shaqeyn jireen Sirdoonka Kenya iyo Mareykanka.

Siyaad Cali Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu u basaasi jiray CIA-da Mareykanka, wuxuuna sida ay kooxdaas dilkiisa u xuskatay u fududeeyay weerar dhanka cirka ah oo Bishii Maarso, 2016 ka dhacay deegaanada Qoob-yaxaas iyo Raaso ee gobolka Hiiraan kaasi oo lagu dilay 150 katirsanaa Al shabaab.

Siyaad Cali Cabdi ayaa sidoo kale la sheegay inuu gacan ka geystay dilkii Maxa'ed Dulyaddayn, hogaamiyihii Al shabaab u qaabilsanaa Jubbooyinka, kaasi oo lagu dilay deegaanka Buulo-Gaduud sanadkii tagey.

Al shabaab ayaa meel fagaaro ah ku gowracday Siyaad Cali Cabdi, halka saddexda kalena ay toogasho ku dishay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Al shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay toogasho ku dishay Askari u dhashay dalka Uganda oo lagu qabtay weerarkii deegaanka Janaale, oo 90KM u jiro Muqdishu Bishii September, 2015.

Xarakadan oo laga saarey deegaano badan wixii ka dambeeyay 2011, ayaa isku dayaysa inay carqaladayso Doorshooyinka ka socdo dalka, iyadoo fulinaysa qaraxyo kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM