​Al Shabaab oo dagaal kula wareegay Camaara

Image

CAMAARA, Somalia - Xoogaga Al Shabaab ayaa dagaal sababay khasaaro kula wareegay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, oo muddooyinkii dambe kula dagaalamayeen Ciidamada Galmudug.

Malleeshiyaad katirsan Al Shabaab ayaa gudaha u galay magaalada, waxaana ay qabsadeen saldhiga iyo xarunta maamulka, kadib markii ciidamadii joogay ee ka socda Galmudug dagaalka looga adkaaday.

Dadka ku nool Deegaanka Camaara ayaa xaqiijiyay in la wareegista Al shabaab ay timid markii ay weerar ku qaadeen saldhigyada difaaca ciidamada Galmudug, oo markii dambe sameeyay dib u gurasho dhanka Cadaado ah.

Camaara waxa uu Galmudug u ahaa gooba ay uga duulaan deegaanada Al shabaab ay ku sugan yihiin, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay abaabulka weerar ka dhan ah degmada Xarardheere.

Galmudug kama aysan hadlin deegaanka lagala wareegay, iyo khasaaraha ciidankeeda kasoo gaarey dagaalka ka dhacay Camaara.

Al shabaab ayaa sheegatay inay dileen dhowr Askari oo Galmudug katirsan.

Si kastaba, xaaladda deegaanka Camaara ayaa deggan, waxaana dadka ay soo sheegayaan in Al shabaab ay difaacyo ka sameysteen daafaha magaalada, si ay isaga caabiyaan weerar rogaal-celis ah oo dhanka Cadaado uga yimaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM