Al-Shabaab oo fasaxdey gaadiid ay u diidey in ay galaan Baydhabo

Image
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay in talaabadan ay ku timid wadahadal uu la galay kooxda hubeysan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Al-Shabaab ayaa fasaxay qaar kamid ah gaadiidkii ay u diidayeen in ay galaan magaalada Baydhabo, sidda ay sheegtay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeen u hadlay Koonfur Galbeed oo hadalkiisa lagu baahiyey baraha internet-ka ayaa waxa uu beeniyay in maamulka uu wada xaajood ka galay sii deynta baabuurtaasi.

Balse warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in odayaasha deegaanka ay door ku lahaayeen sii deynta isla markaana ay wadahadalo la fureen xoogaga hubeysan.

Sarkaal ayaa tibaaxay in la qorsheynayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu bartilmaameedsado deegaanka Mooda-Moode, oo ah goob la sheegay in Al-Shabaab ay isbaaro u dhigtay gaadiidka xamuulka ah.

Ma cadda in sii daynta ay khusayso baabuurta waaweyn ee la haysto in ka badan toddobaad keliya iyo in ay tahay in gabi ahaanba la qaadey xayiraadda saarneyd xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale ma cadda in gaadiidka xamuulka ah ee loo qorsheeyay in ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, kuna sii jeedaan Baydhabo uuna sii socon doono safarkaasi.

Go’doominta ayaa sare u kacday qiimaha la kala siisto raashiinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah magaalada Baydhabo taas oo sababtey barakac.

Go’doomintan ayaa ahayd mid ay Al-Shabaab kaga aargudayeen Koonfur Galbeed kadib markii saraakiisha deegaanka ay xabsiga dhigeen maamulayaal dugsi oo u socdaalay deegaanada Al-Shabaab si ay ula kulmaan kooxda.

Maamulka ayaa balan qaaday in maxkamad la soo taagi doono maamulayaasha. Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxa uu wacad ku maray in uu taliskiisa beegsan doono cid kasta oo la macaamisha maleyshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM