Al Shabaab oo gacmaha ka jartay labo qof

Image

TIYEEGLOW, Somalia- Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xukun ku fuliyay labo Nin oo ay ku eedeeyeen inay lacag ka xadeen Goob Ganacsi, waxaana ay ka jareen gacanta Midig.

Xukunka gacan goynta ah waxa uu ka dhacay saaka Fagaaro ku yaalla degmada Tiyeeglow, ee gobolka Bakool, waxaana ka qeyb galay oo daawanayay Boqolaal shacab ah, oo caruur iyo haween ah.

Labada nin ee gacanta laga gooyay, ayaa lagu magacaabi jiray  Aadan Maxamed Nuur, oo 42 jir ah, iyo Isxaaq Aadan Xasan 23 jir ah, kuwaasi oo ay xukuntay dhawaan Maxkamada gaar ah oo ay leedahay Al shabaab.

Al shabaab ay ku eedaysay labada nin inay lacag gaaraysa 12 Milyan oo Shlinka Soomaaliga ah, una dhiganta $545 (Shan boqol, Afartan iyo Shan Doolarka) ay ka xadeen Dukaan ku yaalla Tiyeeglow.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan deegaannada ay maamusho ka fulisa xukunnada noocan ah, iyadoo aysan jirin Qareenno u dooda dadka ay kusoo eedeeyaan dembiyada Xatooyada, Dilka iyo Basaasnimada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM