Al shabaab oo gubay Tuulo ku taal duleedka Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Malleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa xalay dab qabadsiiyay Tuulooyin ku yaalla duleedka Bari ee magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Sarkaal katirsan maamulka Hir-habelle ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay xalay maqribkii gudaha u galeen tuulada Gaaleefto, oo 15KM u jirta Jowhar kadibna dab qabadsiiyay.

Al shabaab ayaa gubtay Tuulada Gaaleefto kadib markii dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool halkaasi ay diideen inay bixiyaan khidmad ay ugu yeereen Zakawaadka.

Wararka ayaa sheegaya in Al shabaab ay Gaadiid ku rarteen Raashiin iyo Alaabo kale oo dadka ay lahaayeen, kahor inta aysan dabka qabadsiin Tuulada Gaaleefto oo kamid ahayd goobaha abaartu ku dhufatay.

Mamaulka Hir-Shabelle ayaa fal argagax leh ku tilmaamay gubista Tuulada Gaaleefto iyo Boobka loo geestay shacabka la daalaan-dhacayay abaarta dhammaysay  Xoolahii ay ku noolaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM