Al shabaab oo gubay Tuulo ku taal duleedka Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Malleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa xalay dab qabadsiiyay Tuulooyin ku yaalla duleedka Bari ee magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Sarkaal katirsan maamulka Hir-habelle ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay xalay maqribkii gudaha u galeen tuulada Gaaleefto, oo 15KM u jirta Jowhar kadibna dab qabadsiiyay.

Al shabaab ayaa gubtay Tuulada Gaaleefto kadib markii dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool halkaasi ay diideen inay bixiyaan khidmad ay ugu yeereen Zakawaadka.

Wararka ayaa sheegaya in Al shabaab ay Gaadiid ku rarteen Raashiin iyo Alaabo kale oo dadka ay lahaayeen, kahor inta aysan dabka qabadsiin Tuulada Gaaleefto oo kamid ahayd goobaha abaartu ku dhufatay.

Mamaulka Hir-Shabelle ayaa fal argagax leh ku tilmaamay gubista Tuulada Gaaleefto iyo Boobka loo geestay shacabka la daalaan-dhacayay abaarta dhammaysay  Xoolahii ay ku noolaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM