Al-Shabaab oo iclaamisay olale dadka Jubbooyinka lagu Carabiyaynayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday olale dadka ku nool goboladda Jubooyinka lagu barayo Luqada Carabiga, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdaas.

Maxamed Abuu Cabdalla, gudoomiyaha ururkaas ee Jubbooyinka, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in daruusta ay bixin doonan Bareyaal "waayo aragnimo badan u leh" Luqadan oo uu aad u ammaanay.

Hal ku dhiga barnaamijkan oo ay maalgelinayaan xarumo taageersan Al-Shabaab ayaa wuxuu yahay "Barro luqada Carabiga; dadkana bar".

Casharada oo oo fasalo lagu bixinayo ayaa waxaa soo xaadiri karta cid kasta oo ku nool gobolada ay Shabaabku ka armiyaan ee ka tirsan Jubbooyinka oo qaybo badan oo kamida ku hoos jiraan maamulkooda.

Abuu Cabdalla, oo ku jira saraakiisha sar-sarre ee ugu caansan Al-Shabaab, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahaan uu qayb yahay olale balaaran oo bulshadda lagu goboladaas Carabiyaynayo.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyay in ay badiyaan isticmaalka luqadda Carabiga. "Telefoonkaaga lamberadiisa ka dhigo Af Carabi; xilitaa [midka] aad soo gadaneysid ha noqdo mid ku sameysan luqadda Carabiga".

Qorshan uu ururka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida soo bandhigay oo dadka lagu barayo si bilaash ah ayaa socon doona lix bilood, waxaana dhowaan "la xareeyay" dacwadii labaad oo "ka faa'iideysan doonta".

"Hadda gobolada waqooyi ee Soomaaliya waxaa haatan laga isticmaalaa luqadda English, xitaa Soomaaligii way ka tageen. Koonfurna waa luqadii [istacbaadkii] Talyaaniga. Marka annaguna waa in aan bedelnaa," ayuu yiri.

Abuu Cabadalla oo laga soo duubay cod 16-daqiiqo ah ayaa ku taliyey in goobaha waxbarashadda sida Iskuulada iyo Dugsiyadda Qur'aan si lamid ah Masaajida iyo mehradaha ganacsiga ay xoojiyaan adeegsiga Carabiga.

"Waxaan kula talinayaa dadka in luqadda Carabiga la barto, laguna dedaalo, qof walbana uu xil iska saaro, waa luqada mideyneysa Ummadda Muslimiinta oo dhan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay horjoogahaan.

Al-Shabaab oo haatan gacanta ku haysa qaybo gobolada Jubbooyinka ayaa amarada ay soo soorto waxay ka dhaqan-galaan xitaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho "oo ay dowlad kale uga dhisan tahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM