Al-Shabaab oo iclaamisay olale dadka Jubbooyinka lagu Carabiyaynayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday olale dadka ku nool goboladda Jubooyinka lagu barayo Luqada Carabiga, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdaas.

Maxamed Abuu Cabdalla, gudoomiyaha ururkaas ee Jubbooyinka, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in daruusta ay bixin doonan Bareyaal "waayo aragnimo badan u leh" Luqadan oo uu aad u ammaanay.

Hal ku dhiga barnaamijkan oo ay maalgelinayaan xarumo taageersan Al-Shabaab ayaa wuxuu yahay "Barro luqada Carabiga; dadkana bar".

Casharada oo oo fasalo lagu bixinayo ayaa waxaa soo xaadiri karta cid kasta oo ku nool gobolada ay Shabaabku ka armiyaan ee ka tirsan Jubbooyinka oo qaybo badan oo kamida ku hoos jiraan maamulkooda.

Abuu Cabdalla, oo ku jira saraakiisha sar-sarre ee ugu caansan Al-Shabaab, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in qorshahaan uu qayb yahay olale balaaran oo bulshadda lagu goboladaas Carabiyaynayo.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyay in ay badiyaan isticmaalka luqadda Carabiga. "Telefoonkaaga lamberadiisa ka dhigo Af Carabi; xilitaa [midka] aad soo gadaneysid ha noqdo mid ku sameysan luqadda Carabiga".

Qorshan uu ururka gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida soo bandhigay oo dadka lagu barayo si bilaash ah ayaa socon doona lix bilood, waxaana dhowaan "la xareeyay" dacwadii labaad oo "ka faa'iideysan doonta".

"Hadda gobolada waqooyi ee Soomaaliya waxaa haatan laga isticmaalaa luqadda English, xitaa Soomaaligii way ka tageen. Koonfurna waa luqadii [istacbaadkii] Talyaaniga. Marka annaguna waa in aan bedelnaa," ayuu yiri.

Abuu Cabadalla oo laga soo duubay cod 16-daqiiqo ah ayaa ku taliyey in goobaha waxbarashadda sida Iskuulada iyo Dugsiyadda Qur'aan si lamid ah Masaajida iyo mehradaha ganacsiga ay xoojiyaan adeegsiga Carabiga.

"Waxaan kula talinayaa dadka in luqadda Carabiga la barto, laguna dedaalo, qof walbana uu xil iska saaro, waa luqada mideyneysa Ummadda Muslimiinta oo dhan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay horjoogahaan.

Al-Shabaab oo haatan gacanta ku haysa qaybo gobolada Jubbooyinka ayaa amarada ay soo soorto waxay ka dhaqan-galaan xitaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho "oo ay dowlad kale uga dhisan tahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM