Al-Shabaab oo la wareegtay degaan ku dhaw Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa saakay la wareegtay degaan ku dhaw magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug, iyadoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidankii halkaas ku sugnaa.

Waxay dadka ku nool Ceel-Dheere sheegeen in Al-Shabaab ay gudaha degaanka soo gashay, kadibna ay gubtay dhismooyinka saldhiga booliska iyo xarunta maamulka, iyadoo qaadatey wixii yaallay kahor inta aysan ka bixin.

Ceel-Dheere wuxuu 30-KM u jiraa Dhuusamareeb, oo dhinacyada uga wareegsan yihiin hadda Ahlu Sunna iyo Al-Shabaab, taasoo adkaysay isku socodkii magaalooyinka gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Waa degaankii 2aad oo Al-Shabaab la wareegayso mudo hal todobaad gudihiisa, iyadoo maalin kahor qabsatay degmada Matabaan, oo katirsan Hiiraan, balse maamul ahaan hoos yimaada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles