Al-Shabaab oo laga dilay "xubno baad ka qaadayay dad shacab ah"

Image
Howlgalkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Beled Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen labo ka tirsan Al-Shabaab, hubna ay ka furteen, kadib weerar gaadmo ah oo fiidnimadii Jimcaha ka dhacay deegaanka Beled Amiin ee Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo ay soo saartay ATMIS ayaa lagu xusay in Maleeshiyada ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan deegaanka Beled Amiin oo ah dhul beeraley ah, balse ciidamada ATMIS ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyay weerarkaasi oo ay ku dileen labo ka mid ah dagaalyahanada kooxda.

ATMIS oo qoraal kooban ku faafisay internet-ka ayaa tibaaxdey in ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay soo furtaan labo qori oo mashiino ah, lix joornaal, iyo 130 xabo oo rasaas ah.

Dadka deegaanka ayaa caddeeyay in maleeshiyada ay qaadayeen canshuuro sharci darro ah, islamarkaana ay ka waaniyeen raashinka ay ka helaan beeraleyda Beled Amiin.

Ciidamada dowladda ayaa sii waday weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada 2022-ka.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in howlgallada militari ee looga sifeynayo maleeshiyada Al-Shabaab ay sii xoojin doonaan "si loo joojiyo baadda ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo faafinta dacaayadaha, caga-jugleynta iyo xagjirnimada Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM