​Al Shabaab oo qabsatay deegaano katirsan Shabeellaha hoose

Image

WANLAWEYN, Somalia-  Mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa ciidamada dowladda Somalia kala wareegtay deegaano katirsan gobolka Shabeellaha hoose, kadib dagaallo saaka deegaanada War-maxan, Tixsiile iyo Garas-mandiile.

Cabdi Xasan, oo kamid ah Saraakiisha ciidanka DFS ee gobolkaas ku sugan, ayaa GO u xaqiijiyay in Al shabaab dib ula wareegtay saaka deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Khasaaro xooggan ayaa ka dhashay dagaalkaas oo saacado dhowr ah kasocday gobolkas.

Goob joogayaal ayaa GO u xaqiijiyay in ciidamada Somalia looga awood roo naaday dagaalkaas islamarkaana dib looga riixay Warmaxan iyo Tixsiile, waxaana hadda ay ku suganyihiin degmada Walnlawayn oo 90KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdishu.

Kooxda Al Shabaab guulo ka sheegatay dagaalkaas oo ay tilmaameen inay ku dileen 19 askari.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Somalia, ayaa kamid ah dadka geeriyooday kuwaas oo lala eegtay qarax xilli ay marayeen nawaaxiga deegaanka Warmaxan.

Saraakiishan ayaa la socday ciidamo gurmad ahaa oo xoojinaya kuwa weerarka lagu qaaday.

Al Shabaab ayaa sidoo kale baraheeda Internet-ka ku baahisay inay qabsadeen baabuur dagaal iyo saanad miletari.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada xoogga dalka Somalia gaar ahaan guutada 6aad ee saaka la weeraray.

Ururka Shabaab ayaa aad ugu xooggan gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo intabadan weeraro toos ah kula eegtaan ciidanka dalka iyo kuwa AMISOM.

Waa weerarkii ugu horeeyay kooxda Shabaab ciidanka dowladda ku qaaday tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo 08 February 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM