Al shabaab oo shaacisay markii ugu horeysay sawirka argagixiye Godane

Image

MUQDISHU, Somalia- Ururka Al shabaab ayaa ku baahiyey hay'adiisa warbaahinta ee loo yaqaan Al Kata'ib muqaalada hogaamiyahoodii lagu diley duqeyn diyaaradeed kasoo laga sameeyey Film lagaga hadlayo taariikhdiisa.

Filmkaan oo soconaya muddo 1:24 ayaa lagu sheegey in Ahmad Godane iskuulka kaga baxay magalaada Hargeysa halka uu Jaamacad ka dhigtey Wadanka Pakistan.

Godane oo sheekadiisa lagu xusey in Wadanka Afghanistan kaga soo qayb galay dagaalkii kooxaha Islamiyiinta ah kula jireen wadanka Ruushka ayaa marka uu talada ururka argagixisada ah ee Al shabaab la wareegey ku soo biiriyey kooxda Amniyaadka ee khaarajiya dadka rayidka iyo saraakiisha dowlada kuwasoo uu u adeegsan jirey kooxo dhalinyaro ah.

Filimkaan ayaa sidoo kale waxaa kasoo muuqdey ku xigeenka ururka Al Alshabab Mahad Karate isagoo xilkaan mid lamid  ah ka hayey markii ururkaan markii uu  madaxda ka ahaa Ahmad Godane.

Dhinaca kale Ahmad Godane aka Shiikh Mukhtar Abu Zubeyr ayaa inta uu hayey talada ururka Al shabaab khaarajiyey qaar ka tirsan madaxda ururkaas kuwasoo kamid ahaa Ibraahim Afghani halka ay ka baxsadeen xubno kale sida Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow.

Ahmad Godane filimkaan laga sameeyey markii ugu horeysay  lagu arkey muqaalkiisa ayaa waxaa duqeyn diyaradeed ku diley ciidamada Mareykanka Sept, 2014.

GAROWEONLINE 

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM