Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii shacabka ku leeday ee Ex-kontarool

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u qaatey mas'uuliyadda weerarkii isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee koonfurta Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Cali Maxamuud Raage, afhayeenka kooxdan gacansaarka la leh Al-Qaacida, ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa kolanyo ay la socdeen ajaaniib Turki ah.

Cali Dheere ayaa qiray in falkaas argagixiso ay wax ku noqdeen shacab, isagoo sheegay "in ay aad uga xun yihiin geerida rayidka" ayna soo kabasho u rajeynayaan bukaanada.

"Waxaan tacsi u direynaa dadka eheladooda ku waayey, ALLE ayaan baryeynaa in uu siiyo bedel wanaagsan," ayuu ku daray Cali Dheere oo soo duubay cod 24 daqiiqo ah.

Sidda ay sheegtay dowladda, ku dhowaad 90 qof ayaa ku naf-waayey dhacdadaas. Sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay 130 kale, iyaddoo ay jiraan tirro kale oo la la'yahay.

Dadka ku geeriyooday qaraxaas waxaa ajaaniib ka ahaa laba, oo u dhashay Turkiga. Injineeradda waxay kamid ahaayeen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho-Afgooye.

Weerarkaas ayaa noqday midkii 3aad ee ugu geerida badnaa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya kadib xasuuqii isgoyska Soobe iyo Hargaha-Saamaha oo boqolaal lagu dilay.

Sheegashadda Al-Shabaab ayaa kusoo aaday saacado kadib markii Dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qorsheynta weerarkaas uu lahaa dal shisheeye, wallow aysan magacaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM