Al shabaab oo si buuxda ula wareegtay degmada Ceel Waaq

Image
Image
Image

CEEL WAAQ, Somalia - Al shabaab ayaa saaka si buuxda ula wareegtay magaalada Ceel Waaq, ee gobolka Gedo, kadib markii ay ku qaadey weerar saldhigyada Ciidamada dowladda Federaalka Somalia. 

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku waaberiisteen saaka magaalada oo ay maamulayso Al shabaab, islamarkaana aysan joojin Askari katirsan Ciidamadii dowladda Somalia, ee degmadaasi gacanta ku hayay, kuwaasi oo lagu soo waramayo inay dhanka Xuduuda Kenya u tallaabeen.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Al shabaab ay qarax ku weeareen Saldhiga Booliska Degmada, kaasi oo dhacay xilli uu socda iska horimaad xooggan oo u dhaxeeya labada dhinac.

Ceel Waaq oo ah magaalo ku taalla xuduuda ay wadaagaan Somalia iyo Kenya ayaa waxay ahayd mid inta badan weeraro kusoo qaado Al shabaab, oo dagaalayahanadeeda xilliga habeenkii ah ay soo gali jireen, iyadoo Ciidamada dowladduna xiliga maalintii ay maamulayeen.

Weerarkan saaka lagula wareegay Ceel Waaq ayaa kuso beegmaya xilli Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku sugan yahay gobolka Gedo, oo shalay booqashu ku tagey, gaar ahaan magaalooyinka Doolow iyo Baled Xaawo.

Al shabaab ayaa Todobaadkii tagey weerartay Baled Xaawo, oo saacado kooban gacan ku haynteeda la wareegtay, waxaana weerarkaasi ku dhintey Askar badan oo katirsanaa dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM