Al-Shabaab oo toogatay nin "caayay" Nabi Maxamed

Image
Dhacdadan ayaa soo ifbaxeysa iyadda oo ciidamada xoogga howlgalo culus ka wadaan gobolka Mudug. [File Photo]

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah ku toogatay nin ay ku eedeysay in uu aflagaadeeyay Nabi Maxamed [NNKH], sidda ay daabacdey warbaahinta ku hadasha afka maleyshiyadda.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Xasan Tooxow Fiidow oo loo garan og-yahay Luglug ayaa Arbacadii shalay ahayd waxaa xukunka dilka toogasho ah lagula fuliyey fagaaraha Al-Ansaar ee degmada Xiindheere.

Inkasta oo warbixinta lagu xusay in xukunka ay ku riday maxkamada xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee gobolka Mudug, ma cadda haddii dhibanaha uu helay hanaan cadaaladeed oo daahfuran.

Xasan Luglug oo la wariyey in uu ahaa 87-sano jir ayaa, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaa soo eedeeyay laba qof oo dadka degaanka ah "kuwaasoo kalkii dambe soo kaxeystay marqaatiyeyaal".

Dhacdadan ayaa soo ifbaxeysa iyadda oo gobolka Mudug ay muddooyinkii dambe ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ay waddaan ciidamada Soomaaliya kuwaasoo ka dhan ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Howlgaladaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Galmudug, kuwa xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka ayay ku xoreeyeen degaano badan, ku burburiyeen saldhigyo kuna dileen xubno.

Sida uu sheegay taliska milatariga Soomaaliya, in ka badan 200 dagaalame Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgaladan dhacay saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay. Balse, maleyshiyadda wali kama hadlin sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay Casuumaadda uu Putin usoo diray Xasan Sheekh?

Safarada Xasan Sheekh ee dibadda ayaa noqday kuwii ugu badnaa oo Madaxweyne Soomaaliyeed sameeyo mudada uu xafiiska joogo.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 07:40AM

Maxaa ka ognahay ilaa hadda weerarkii Vancouver?

Ninkii lagu tuhunsanaa weerarka, oo lagu magacaabo Kai-Ji Adam Lo, 30 jir ah oo…

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 06:33AM