​Al Shabaab oo weerar ka gaysatay degmada Garbahaarey

Image
Image
Image
Image
Image

GARBAHAAREY, Somalia- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar ka gaystay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyagoo beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Somalia ee AMISOM.

Weerarkaas oo loo adeegsaday Madaafiic, ayaa kooxda Al Shabaab ku warantay inay khasaaro ku gaysteen kadib markii ay dhowr Gantaal ku tuureen garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.

Dad goob joogyaal ah, ayaa sheegay in xalay saq dhexe maqleen madaafiic ka dhacay gudaha degmadaas iyagoo xusay inaysan ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay goobta la bartilmaameedsaday.

Saraakiil katirsan kuwa dowladda Somalia oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa sheegay in weerarku dhacay balse aysan jirin khasaare ka dhashay.

Madaafiicda ayay xuseen inay ku dhaceen meelo bannaan, xaaladda degmada Garbahaareyna ay tahay mid wanaagsan.

Ururka Al Shabaab ayaa inta badan xilliga habeenkii weerar ka gaysta goobaha ay daganyihiin ciidamada AMISOM.

Dhawaan ayay ahayd  markii degmada Garbahaarey ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Somalia iyo kooxda Al Shabaab, kaasoo ay ka dhasheen khasaaro laxaad leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Soo Dhawaysay Taageerada Masar iyo Ku Soo Biirista Hawlgalka Midowga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad u qiimeyneyso taageerada joogtada ah ee Masar.

  • Soomaliya

    22-09-2025

  • 11:20AM

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM