​Al-Shabaab oo weerartay Golweyn

Image

GOLWEYN, Somalia - Xoogaga Al shabaab ayaa weerar culus saaka ku qaadey Fariisimo Ciidamada Midowga Africa, ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiil katirsan maamulka gobolka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, in dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka, kadib markii Dagaalyanada Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhigyada AMISOM.

Dagaal daqiiqado badan socday ayaa labada dhinac ku dhexmaray deegaanka, kaasi oo ay isku adeegsadeen hubka culus, kaasi oo cabsi geliyay dadka deegaanka, oo saaka ku waaberiistay rasaasta.

Al shabaab ayaa sheegtay inay mudo kooban ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Golweyn, inkastooo warkaasi ay beeniyeen Madaxda maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo Taliska AMISOM.

Lam oga khasaaraha dagaalka ka dhashay, balse Ilo ku sugna deegaanka waxay sheegeen inay Al shabaab iyo Ciidamada AMISOM ay uga dhinteen dhowr qof weerarka.

Golweyn, waa deegaan Istaatiiji ah oo ku yaalla inta u dhaxaysa Shalanbood iyo Buulo-Mareer, waxaana dhexmara wado muhiim u ah AMISOM, oo isku xirta Muqdishu iyo degmada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM