​Al Shabaab oo weerar ku qaaday Fariisinka AMISOM ee Biya Cadde

Image

BIYA CADDE, Somalia – Malleeshiyaad katirsan kooxda  Al Shabaab, ayaa weerar culus ku qaadey Saldhigga Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Biya Cadde, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Weerarka uu ku billowday Duqeyn Madaafiic ah, oo mudo 20 Daqiiqo ah Al shabaab ku garaacaysay Saldhiga Ciidanka AMISOM, kahor inta aysan fooda is-darin Labada dhinac.

Dhawaqa Madaafiicda iyo Rasaasta, ayaa laga maqlay inta badan Tuulooyinka ku dhaw  Deegaanka Biya-cadde, waxaana la sheegay inuu dagaalka ka dhashay Khasaaro, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Dadka degaanka ayaa waxay kaloo sheegeen in xalay Saqdii dhexe ay kusoo baraarugeen daryanka Madaafiicda ku dhaceysa nawaaxiga Saldhiga AMISOM iyo qeybo kamid ah Tuuladooda.

Ciidamada AMISOM wali war kama soo saarin weerarka xalay lagu qaaday Saldhigooda.

Kooxdan ayaa kordhisay mudooyinkii dambe Weerarada ay ku qaadayso fariisimada Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, kuwa Maamul Goboleedyada, iyo sidoo kale AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM