Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku ekeysay saldhig

Image
Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska-caabiyeen weerarka "ayna jab xoog leh" gaarsiiyeen "cadowga"

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku ekeeyay fariisimo milatariga Soomaaliya iyo dadka degaanka ku leeyihiin degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxyadda ay xigeen is-rasaaseyn toos ah oo socotay ku dhowaad laba saacadood. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyey in uu soo gaarey dhinacyada.

"Xaaladda degaanka ayaa haatan dagan. Balse, waxaa wali muuqda raadka uu ka tagay dagaalka iyo qaraxyadda dhacay aroortii saaka oo Axad ah," ayuu yiri wariye madax-banaan oo ku sugan degaanka una waramay GO.

Saxafiga ayaa tibaaxay in saraakiisha ciidamadda xoogga ay u sheegeen in ay saacadaha soo aadan ay warbaahinta u soo bandhigi doonan "meydadka cadowga" iyo "in ay fashiliyeen weerarka lagu soo qaadey".

Afhayeenka Wasaaarada Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa u sheegay wakaaladda wararka qaranka ee SONNA in "ciidanka ay iska caabiyeen duulaankan".

SONNA ayaa kasoo xigatay Caanood in "maleyshiyaadka ay kala carareen iyaga oo uu soo gaarey jab xooggan". Hase ahaatee, ma aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadeeda.

Degaanka Qaayib oo 30KM dhanka koonfur degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee lagu xoreeyay howlgaladda ka soconaya qaybo kamid ah Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay aaggan ku lahayd "maxkamad beenaad ay dadka uga qaadi jirtay lacagta baadda ah". Taliska Milatariga wuxuu sheegay in howlgalka lagu qabtey Qaa'ib ay ku dileen "xubno Khawaariij ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM