Al-Shabaab oo weerartey saldhigga ciidanka ATMIS ee Buulo Mareer

Image
Diyaarado ayaa la sheegay inay hawada magaalada sidoo kale lagu arkay kadib weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in Jimcaha maanta ah ay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee magaalada Buulo Mareer.

Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee Jimcaha maanta ah ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ka dhashay iska-hori-imaad toos ah oo dhexmaray labadda dhinac.

Laba ilo wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga oo u waramay idaacadda VOA-da ayaa shaaca ka dhigay in qaraxyo xiriir ah ay Al-Shabaab ku weerareen saldhigga.

Xubin ka tirsan maamulka degaanka ayaa xaqiijiyey inay Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Diyaarado ayaa la sheegay inay hawada magaalada sidoo kale lagu arkay kadib weerarka. Illaa haddana ma cadda khasaaraha weerarka. Balse, waxaa la xusay in labada daraf waxyeelo gaartey.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madaxbannaan Loo xaqiijin karin xilligan isla markaana ma aysan soo bandhigin wax khasaaro ah.

Weerarada tooska ah ee Al-Shabaab ku qaado xerooyinka ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay ahaa kuwa sareeya lagana hortagin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM