Al shabaab oo xaqiijisay Geerida Cali Jabal

Image

TORATOROW, Somalia - Al shabaab ayaa soo saartey bayaan cusub, oo ay ku xaqiijisay Geerida Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), oo 30-kii bishii July Mareykanka ku diley Duqeyn Cirka uu ka fuliyay deegaanka Tooratoorow, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Warka kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in Cali Jabal iyo Wiil uu dhalay, oo lagu magacaabi jiray Maxamed Amiin, oo 12 jir ahaa ay ku geeriyoodeen Gantaal Diyaarad Drone ah ku dhufatey Gaari ay la socdeen oo marayey duleedka Tooratoow.

Bayaanka Al shabaab, oo uu ku saxiixan yahay hogaankeeda sare waxaa lagu xaqiijiyay sidoo kale in Cali Jabal oo u qaabilsanaa howlgalkeeda gobolka Banaadir uu ku dhintey Weerarka cirka ee Mareykanka uu ka geystay gobolka Shabeellaha hoose.

Al shabaab ayaa ka tiiraayootey in Cali Jabal oo mudo dheer kasoo barbar dagaalamay uu hadda garabkeeda faarujiyay, isagoo ku baxay gacanta Ciidamada Mareykanka.

Mareykanka ayaa beegsi ku haya hogaamiyaasha sare ee Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida, isagoo qaarijiyay dhowr dhowr xubnood oo uu kamid ahaa Hogaamiyeedii ugu sareeyay Axmed Godane, oo September 1, 2014 ku dhintay Duqeyn ka dhacday meel ku dhaw Degmada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM