Amar kasoo baxay RW Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray amar ku saabsan xaaladda garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu, kadib kulan uu la yeeshay sii haya xilka wasaaraddaas iyo laamaha amniga caasumadda dalka.

Kulankaas oo ku saabsanaa hormarinta Madaarka Aadan Cadde, ayaa wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia, wuxuu kasoo saaray amar ku aadan sidii loo ilaalin lahaa nabad-galyada iyo shuruucda garoonka inuu noqdo mid caalami ah.

Amarka Khayre ayaa lagu sheegay inuusan jiri doonin dhisme lag samayn doono nawaaxiga garoonka Aadan Cadde inta dowladdu ka samayn doonto baaritaano la xariira bad-qabka garoonka.

Mudane Khayre, ayaa intaas ku daray in la hakiyo dhismayaasha hadda socda, isagoo dhinaca kale faray wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Somalia inaysan bixin dhulka ku dhow garoonka ilaa amar dambe.

Tallaabada RW Khayre, kusoo aaday xilli dhismooyin kala duwan laga sameeyay daafaha Garoonka kadib markii dowladdu siisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM