Amarro lagusoo rogay Muqdishu [ DHAGEYSO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa shaaciyay in laga billaabo Maalinta Berri ah Lixda Maqribnimo la xiri doono waddooyinka Muqdishu, Doorashada awgeed.

Mudane Madaale oo warbaahinta kula hadlay caasumadda Somalia,  ayaa ugu baaqay maamullada Goobaha waxbrashada inay fasaxaan Ardayda, maadaama ay ciidamadu xiri doonaan dhammaan waddooyinka magaalada, si amniga loo sugo.

"Maalinta Beri ah wixii ka dambeeyo 6-da Maqribnimo, waxaa la xadidi doonaa isku-socodka Gaadiidka iyo dadweynaha, Labada maalmood ee Talaadada iyo Arbacada soo socoto," Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Sidoo kale, Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu ka codsaday shacabka ku nool caasumadda inay dulqaataan Labadaas maalmood, ee waddooyinku xiranyihiin.

Xirnaanshaha jidadka Muqdishu ayaa ah midda ugu wayn ee shacabku hadal-hayaan, maadaama ay saamayn ku yeelanayso Nolol maalmeedkooda sida; shaqada, caafimaadka iyo waxbarashada.

Doorashada Madaxweynaha ayaa la filayaa inay maalinta Arbacada ah (8-da Febuary, 2017) ka dhacdo xarunta Afisyoone ee degmada Waaberi, iyadoo laga soo wareejiyay xarunta Booliska General Kaahiye codsi ka yimid murashaxiinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM