​AMISOM iyo Shabaab oo ku dagaallamay Miir-tuugo

Image

JOWHAR, Somalia- Dagaal xoog leh ayaa saaka ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kooxda Al Shabaab deegaanka  Miir-tuugo ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida ay GO u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Khasaaro kala duwan ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhasheen dagaalka islamarkaana uu jiro dhimasho iyo dhawac.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka goob joogayaal ah,dagaalka ayaa yimid kaddib markii mallayshiyaad katirsan Shabaab weerar ku qaadeen Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa Biyo Cadde iyo Miir-tuugo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia iyo saraakiisha AMISOM.

Kooxda Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkaas iyagoo ku qoray barahooda Internetka inay la wareegeen goobihii saaka lagu dagaallamay islaamrkaan ciidamada AMISOM u riixeen dhinaca deegaanka Miir-taqwo.

Dagaalkan ayaa qabsaday ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Africa.

Ciidamadan ayaa saldhig ku leh deegaanada Biyo cadde, Miir-tuugo iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM