AMISOM oo beenisay in lala wareegay Saldhiga Kulbiyow

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliska AMISOM ayaa ka hadlay Weerarkii Xalay Kooxda Al shabaab ku qaadey Saldhiga Ciidamada Kenya ee degmada Kulbiyow, oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose.

AMISOM ayaa Boggeeda Twitter-ka ku beenisay Warka ah in Al shabaab mudo saacado ah ay haysatay Saldhiga KDF ee Kulbiyow, kadib markii ay weerar isagu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ku qaadeen.

Warka ayaa lagau sheegay in Al shabaab ay isku dayday inay weerarto saldhiga, balse ay kala kulmeen Ciidamada Kenya iska-caabin xooggan, kadibna dib ugu lateen dhanka degmada Badhaadhe.

“Dhowr xabo oo rasaasta AK-47, RPG iyo PKM ayay kasoo rideen wadada isku xirta Kulbiyow iyo Badhaadhe, waxaana loogu jawaabey hubka Artilleriga, dib ayayna u gurteen,” ayaa lagu yiri Warka AMISOM.

AMISOM waxay intaasi ku dartey in 6 Dagaalyahan ay ahaayeen kuwa isku dayay inay weerarka kusoao qaadaan Saldhiga Kulbiyow, kuwaasi oo ciidamada ay arkeen kahor inta aysan soo gaarin Goobta.

Al shabaab ayaa sidoo kale weerartey Fariisamo ay leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ee Kulbiyow, kaasi oo aan geysan wax Khasaaro ah, sida ay sheegeen Saraakiisha maamulka Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM