AMISOM oo dowladda kala shaqeyneysa baarista dilka Almaas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ayaa wuxuu xaqiijiyey in Almaas Elman lagu dhex-dilay xarunta Xalane.

Marxuumadda ayaa 20-kii bishaan November ay rasaas ku haleeshay xili gaari sidday uu marayey wadada isku xirta Xalene iyo madaarka Aadan Cadde.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed AMISOM kasoo baxay, Almaas ayaa u dhimatay rasaas ka timid dhanka dambe oo gaariga ay ka saarneyd.

"Laba qof kale oo baabuurta la saarnaa waxba soo gaarin," ayaa lagu yiri bayaankaoo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Almaas oo arrimaha samafalka ka shaqeyn jirtay horeyna uga soo shaqeysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa lagu aasayaa Muqdisho, maanta.

Taliska AMISOM ayaa waxay balanqaaday in ay dowladda Soomaaliya kala shaqeynayaa baaritaanka toogashadda Almaas oo su’aallo dhowr ah dhaliyey.

"AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri warka qoraalka oo luqada English-ka ku qornaa.

Booliska Soomaaliya ayaa mar sii horeysay iclaamiyey in la furay gal-dacwadeedka kiiskan isla markaana u kaashanayo khuburo caalami ah.

Xarunta Xalane oo fariisin u ah howlgalada diblumaasiyadeed ee caalamka ayaa loo aqoonsan yahay qadka xagaaran ee magaala madaxda dalka.

Almaas oo kasoo jeeda qoys u ololeeya nabadda ayaa aabahooda waxaa lagu dilay Muqdisho sanadka markii uu ahaa 1996-dii.

Caacado kahor dhimashadeeda ayaa waxay kasoo baxday shir uu Miodwga Yurub soo qabanqaabiyey, ururkaas oo dhinaca warbaahinta u qaabilsaneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM