AMISOM oo ka hadashay Gaadiidkooda la mamnuucay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada AMISOM, ayaa ka hadlay waraaq kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir oo lagu mamnuucayay inay maraan gaadiidkoodu qaar kamid ah waddooyinka Muqdishu.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuusan wali soo gaarin amar xadidaya inay maraan waddooyin ay kamid tahay Maka Al Mukarama.

Kibet, ayaase qiray in tallaabadan ay ka arkeen baraha bulshada, balse ku dhaqankeeda ay sugayaan inta ay ka helayaan waraaq rasmi ah oo lasoo gaarsiiyo taliskooda.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale tilamamay inaysan qaadan doonin Warar ay ku arkeen Baraha Bulshada .

Mar wax laga weydiiyay inay tallaabadan qaadanayaan hadii go’aankan loo soo gudbiyo AMISOM, wuxuu sheegay inay ka fariisanayaa madaxdoodu islamarkaana qaadanayaa go’aanka kasoo baxa wada-tashigoodaas.

Isagoo sii  hadlaya Afhayeenku, wuxuu sheegay in AMISOM, u hogaansamayso dhammaan shuruucaha waddanka ka jira.

Kama uusan hadlin sababta loogu diiday inay maraan wadooyinka Mashquulka ah ee magaalada Muqdishu.

Amar kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in Gaadiidka AMISOM laga joojiyay marista Wadada dheer ee Makka Al-Mukarama, laga soo billaabo Isgoyska Sayida ilaa Isgoyska Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM