AMISOM oo "dabley AlShabaab ahayd ku dishay" Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka dhigay in ay gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen todoba dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in "maleyshiyadda ay qeyb ka ahaayeen weerar gaadmo ah laguna ekeeyay kolanyada oo ku guda jirtay roondo joogo ah".

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka kooban ee lagu daabacay ciwaanka AMISOM ee mareega Twitter-ka, dagaalameyaasha Al-Shabaab waxaa lagu dilay inta u dhaxeysa Beldamin-Golweyn.

"Ciidamada Uganda ee AMISOM oo ku guda jira roondo joogto ah si ay u sugaan waddada ugu weyn ee sahayda u dhexeysa Beldamin-Golweyn saldhigyada hawlgalka hore ee Shabeellada Hoose ayaa maanta [Talaadadii] isaga caabiyey weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab soo qaaday," ayaa lagu yiri qoraalka gooban.

Bayaanka ayaa waxaa la raaciyey: "Intii lagu guda jiray weerarka rogaal celiska ah, 7 argagixiso ah ayaa la dilay halka kuwo kale ay soo gaareen dhaawacyo iyo hub kala duwan oo la helay".

"AMISOM waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo tallaabada deg-degga ah ee askarteeda taas oo uu dhaawac ka soo gaaray hal nabad -ilaaliye," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ee howlgalka.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya iyaddoo mas'uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ay ku eedeeyeen ciidamadda AMISOM ay dileen dad shacab ah oo uu ku jiro oday waayeel ah. Ma soo bandhigin caddeymo waafiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM