AMISOM oo soo dhawaysay Is-dhiibidda Xubno katirsan Al shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia - AMISOM ayaa soo dhaweysay Is-dhiibidda xubno katirsan Kooxda Al shabaab oo todobaadkan soo galayay gacanta ciidamada dowladda Somalia ee goboladda Baay iyo Gedo.

War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay ugu baaqayso dagaalyahanada Al Shabaab inay ku daydaan tallaabadii uu qaadey Xuseen Salaad Mukhtaar, oo isku dhiibay Ciidanka DFS.

Xuseen Salaad Mukhtaar wuxuu ahaa Sarkaal Al shabaab ugu qaabilsanaa sameynta qaraxyada, waxaana uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay, gaar ahaan magaalada Baydhobo.

Hogaanka AMISOM ayaa sheegay in wali fursad ay haystaan dhalinyarada la qalday ee ku jira Al Shabaab inay isaga soo baxaan Kooxda, kana qeyb-qaataan dedaallada lagu soo celinayo Nabada Somalia.

"AMISOM waxay ugu baaqaysaa Wiilasha iyo Gabdhaha la qalday ee kamidka ah Al shabaab inay ka faa'idaystaan cafiska dowladda, oo hubka ay dhigaan, kana qeyb-galaan dib u dhiska dalkooda," Ayaa lagu yiri Warka AMISOM.

Ciidamada u jooga dalka ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Africa, waxay intaas ku daree inuu dhammaaday waqtigii Al shabaab, balse badalkeeda la joogo xilligii la iska-kaashan lahaa dhismaha dalka, laguna taageeri lahaa dowladda cusub, xoojinta nabad-gelyada iyo xasiloonida waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM