AMISOM baaritaan ku bilowdey rayidkii lagu dilay Golweyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska AMISOM ayaa qiray in 7-dii qof ee 11-kii August, 2021 ay cutubyo ka tirsan howlgalkooda ku dileen degaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan ahayn xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed uu arkay Garowe Online kana soo baxay howlgalka, AMISOM ayaa baareysa haddii ciidamadeeda ay geysteen dambigaas lagula kacay dadka shacabka ahaa.

"Hawlgalku wuxuu si toos ah ula shaqeynayaa DFS iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey wuxuuna ballanqaadkiisa yahay baaritaan degdeg ah oo hufan, kaas oo la soo gabagabeyn doono 6 -da Sebtember, 2021," ayay raaciyeen.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in suurtagal ay tahay in magdhow ay helaan qoysaska dadka la laayey. Hase ahaatee, laguma soo hadal-qaadin maxkamadeynta askarta ka dambeysay falkaas oo lagu waramay in ay u dhasheen Uganda.

Xukuumadda Kampala oo horey u xaqiijisay in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay ka dambeeyeen dhacdadan ayaa balanqaadey in ay cadaaladda wajahayaan.

"Hoggaanka Hawlgalka ayaa si qoto dheer uga go'an inuu fuliyo hawlihii loo igmaday ee Soomaaliya isagoo si adag u hoggaansamaya waajibaadyada hoos yimaada Xeerka Bani'aadamnimada Caalamiga ah (IHL), sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarkiisa Hawlgelinta," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeedka kasoo baxay taliska AMISOM.

Qirashada ayaa kusoo aadeysa xilli todobaadkii hore uu Muqdisho ka dhacay banaanbax looga dalbanayo AMISOM in ay dalka ka hayaamaan iyo in ay cadaalada horgeeyaan askarta ku lugta leh dilal shacab loogu geystay qeybo kamida wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM