Amnesty International oo baaq kasoo saartay geerida Almaas
NAIROBI, Kenya – Hay'adda Amnesty International ayaa waxay si rasmi ah kaga hadashay dhimashadda Almaas Elman, oo Arbacadii ay xabad ay ku dishay wadada u dhaxeysa Xalane iyo madaarka Aadan Cadde.
Ka sokow in ay ahayd sarkaal dhanka warbaahinta u qaabilsanaa Midowga Yurub, Almaas ayaa waxay u dhaqdhaqaaqi jirtay nabadda, taasoo reerkeedu ka dhexlay Aabahoood oo alifa "Qoriga dhig, qalinka qaado".
Ku xigeenka agaasimaha hay'addan u dooda xuquuqda aadanaha ee Bariga Afrika, ayaa wuxuu sheegay in ay tacsi u dirayaan qoyskeeda.
"Geerida Almaas waxay muujineysaa halista ay wajahayaan u ololeeyeyaasha ku sugan dalka waxayna hoosta ka xariiqeysaa baahida loo qabo in mas'uuliyiintu xaqiijiyeen badqabka rayidka," ayuu yiri Seif Magango.
Marxuumadda ayaa kahor inta aysan xabadu haleelin waxay kasoo baxday shir looga hadlay horumarinta miyiga oo EU-da agaasintay.
"Mas'uuliyiinta waa waajib in ay ku qaadaan dilka Almaas baaritaan dhexdhexaad ah, dhameystiran oo wax ku ool ah, qof walba oo la tuhunsan yahayna la marsiiyo maxkamadeyn cadaalad ah," ayaa laga soo xigtay Seif.
Almaas oo ahayd u ololeeye is-xilqaamay ayaa intii u dhaxeysay 2016 illaa iyo 2017-kii kasoo shaqeysay safaaradda Soomaaliya ee waddanka Kenya.
Mawduucyadda ay xoogga saari jirtay ayaa ahaa xuquuqda haweenka, arrimaha bulshadda iyo daryeelka caruurta colaaddu saameysay.
Xarunta Elman Peace Centre oo uu aabaheed aas-aasey ayay u marin-jirtay dhamaan adeegyadda nabadeed oo ay qaban jirtay.
Walaasheed, Ilwaad oo 2019 u sharaxneyd abaalmarinta nabadda caalamka, ayaa kala shaqeyn jirtay howlaha horumarinta nabada dalka.
Aabaheed, Elman Cali Axmed, oo u dhaqaaqi jiray arrimaha nabadda, ayaa isaga oo shaqadiisa ku guda jiray waxaa lagu shirqoolay laguna dilay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho sanadka markii uu ahaa 1996-dii.
GAROWE ONLINE