​AMSIOM: Amarka dowladda kaliya ayaa ka soconaya Cadaado

Image

CADAADO, Somaliya - Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jeneraal Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in amarka dowladda Federaalka Somaliya oo kaliya uu ka soconayo magaalada Cadaado.

Subagle oo Saxaafadda kula hadlayay Cadaado, ayaa xusay in AMISOM ay la wareegtay mas'uuliyadda amniga Garoonka Diyaaradaha Magaalada, islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan amarka dowladda.

Taliyaha AMISOM ayaa tilmaamay in Mas'uuliyiinta Galmudug ay kala hadleen in wixii siyaasad ah ee ay isu hayaan inay dhexdoodu dhameystaan, islamarkaana ay faraha kala baxaan amniga Garoonka, taasina ay ka aqbaleen.

Sababta AMISOM ula wareegtay Amniga Garoonka Cadaado, ayuu ku sheegay Jeneraal Subagle inay fududeeyan kaalmada Hay'adaha caalamka u keenayso shacabka dhibaataysan ee reer Galmudug.

"Hadda kadib intaan annagu joogno, waxaana rajeynaynaa in wax xabad ahi amaba toogasho ah ka dhicin Garoonka Diyaaradaha iyo guud ahaan magaalada Cadaado," ayuuu yiri Jeneraal Subagle.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale la wareegtay amniga guud ahaan Cadaado, oo mudooyinkii dambe ay isku hor-fadhiyeen Ciidamo ay kala wataan Siyaasiyiinta isku haya madaxtinimada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM