António Guterres: Madaxa UN-ka oo kusoo wajahan Soomaaliya

Image
Safarkan ayaa qeyb ka ah socdaal uu xoghayaha bisha Ramadan ku tago dalalka Muslimiinta ah.

WASHINGTON, USA - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah safar sanadlaha ah ee uu bisha Ramadaan ku tago dal ay ku badan yihiin Muslimiinta.

Wareysi uu dhawaan siiyay laanta afka Carabiga ee Qaramada Midoobay, Guterres ayaa ku baaqay midnimo iyo nabad, isagoo hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee loo qabo xasilloonida gobollada ay colaaduhu ragaadiyeen sida Soomaaliya.

Inta lagu guda jiro wareysiga, Guterres wuxuu yiri, "Waxaan u maleynayaa in xilligan ay tahay waqtigii aan u midoobi lahayn nabadda. Nabaddu waa waxa ugu qaalisan ee aan ku haysan karno adduunka."

Guterres waxa uu dib u milicsaday waaya-aragnimadii uu kasoo dhex-lay booqashooyinkii hore, isaga oo sharraxay sida ay khibradaas uu soo helay ay usoo bandhigtey “wajiga dhabta ah ee Islaamka”.

Wuxuu muujiyay sida uu ula dhacsan yahay nabada, wadajirka, iyo deeqsinimada uu ku arkay bulshooyinka martigeliyay qaxootiga, iyo sidoo kale adkaysiga iyo geesinimada qaxootiga laftooda.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku nuuxnuuxsaday in khibradahani uu u adeegsan doono sidii ay u xoojin lahaayeen shaqadiisa jagada hogaamiyaha Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Soomaaliya, oo qarka u saaran macaluul baahsan, ayaa wajaheysa caqabado ba'an oo sababay in ku dhawaad ​​kala bar dadkeeda - 8.25 milyan oo qof - ay u baahan yihiin gargaar nafo-badbaadin ah ama ilaalin.

Sidoo kale, waxaa dalka ka dhacay weerarro xooggan oo ay geysanayaan maleyshiyaadka Al-Shabaab. Soomaaliya waxa ay la tacaaleysaa xaaladaha cimilo xumo ee sii kordhaysa ee ka dhashay isbedalka cimiladu, sida abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado khasaare geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM