Aqalka Sarre oo ansixiyey sharci; akhrinta koowaad-na mariyey xeer kale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubnaha Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay fadhi ku yaasheen Muqdisho, magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Mudaneyaasha ayaa cod wadar ogol ah waxay ku meelmariyeen Hindise Sharciyeedka Saraakiisha Howlgabka.

Xeerkan ayaa wuxuu xuquuq gaar ah siinayaa saraakiisha iyo mas'uuliyiinta dowladda ee shaqadda Qaranka ka fadhiistay.

Xuquuqooyinka uu siinayo ayaa, sida ku xusan sharciga, waxaa kamid ah; dib-u-dejin, amni iyo adeegyada oo ay u baahdaa.

Xafiiska madaxweynaha ayaa si toos ah loogu gudbin doonaa si uu qalinka ugu jiido looguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

Dhinaca kale, golaha Senate-ka ayaa akhrinta koowaad mariyey Wax ka bedelka Sharciga Batroolka Soomaaliyeed.

Qodobada muhiimka ah ee wax laga bedelay ayaa waxaa kamid ah; hanaanka qeybsiga dakhliga iyo adkeynta wada xaajoodyada shirkadaha.

Sharcidejiyeyaasha ayaa ka dooni doona xeerkan laba fadhi kale si ay ugu biiriyaan talooyin waxna uga bedelayaaan, iyaga oo kadib cod-gelin doona.

Labadan sharci ee ajendahii maanta ku jiray ayaa waxaa u soo gudbiyey Golaha Shacabka, kaasoo cod wadar ogol ah kusoo meelmariyey, waxaana haatan uu horyaalaa Aqalka Sare oo xeer-dejinta dalka kamida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM