Askar ka tirsanaa booliska oo lagu fuliyey xukun dil toogasho ah

Image
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhisay xukunada dilalka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu fuliyay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay fal khaarijin ah ah.

Askarta lagu fuliyey qisaasta ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdishakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi, sidda ay caddeysay warbaahinta ku hadasha afka garsoorka.

C/shakuur ayaa lagu helay inuu dilay Xasan Maxamed Shire oo isna ka tirsanaa ciidamada Booliska, halka Cabdi Jamaal C/llaahi Xayle lagu helay dambi ah inuu dil iyo dhac u geystay C/xakiin Maxamuud Khaliif.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay kordhisay xukunada dilalka ah, iyadoo tan iyo bilowgii sanadkan tobanaan ruux xukuno dil ah lagu fuliyay.

Inta badan dadka xukunka lagu fuliyay ayaa ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ama dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaasi oo maxkamadda ciidamada ay ku heshay dambiyo dil ah.

Xukunka dilka ah ayaa si degdeg ah loo fuliyay, iyadoo qaarkood lagu fuliyay muddo toddobaadyo gudahood ah. Dowladda federaalka ayaa talaabadan ku difaacdey "wanaajinta hanaanka cadaalada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM