Askar katirsan dowladda oo Muqdishu ku dagaallamay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan ilaalada deegaanka ee caasumadda Somalia, ayaa lagusoo waramayaa inay ku dagaallameen magaalada Muqdishu, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhawac isugu jirta.

Isku dhaca labada ciidan ayaa ka dhacay degmada Dharkaynley ee gobolka Banaadir, waxaana gacan ka hadalkaas ku dhintay hal askari oo magiciisa lagu sheegay Nuur Calaa Nuur.

Goob joogayaal ayaa Garowe Online u sheegay in shaqaaqadu ka dhalatay is-maan dhaaf dhexmaray ciidankaas.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa degmada Dharkaynley oo shaqaaqadan ka dhacday.

Xaaladda magaalada ayaa iminka degan, waxaana arrinta soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta ciidamadaas oo xaaladda qabooyinka.

Maalmihii lasoo dhaafay iska hor imaadyo u dhexeeyay ciidamada dowladda Somalia  ayaa ka dhacayay magaalladda Muqdishu, waxaana inta badan uu khasaaro kasoo gaaraa dadka rayidka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM