Askar Kenyan ah oo lagu diley Qarax ka dhacay Xuduuda Somalia

Image

LAMU, Somalia - Ugu yaraan 8 qof, oo afar kamid ah ay yihiin Askar Kenyan ah, ayaa ku geeriyootey Qarax miino oo ka dhacay koonfurta bari ee dalka Kenya, kuna dhaw Xuduuda Somalia.

Noah Mwivanda, oo ah Sarkaal sare katirsan Boolisk Kenya ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid lagu aasay Wado ku taalla inta u dhaxaysa degmooyinka Mararani iyo Kiunga, oo kawada tirsan gobolka Lamu.

Qaraxa waxaa lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo la socdeen Dad shacab ah iyo Askar katirsan Booliska Kenya, sida uu xaqijiyay Noah Mwivanda.

Afar caruur ah ayaa kamid ah dadka ku dhintey weerarka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Saraakiisha amaana Kenya ayaa ku eedeeyay Al shabaab inay ka dambayso qaraxa lagu diley caruurta iyo afarta Askari.

Qaraxyada miino ee ka dhacayay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa waxaa ku dhimatay 46 ruux, oo u badan Askar Boolis ah.

Al shabaaba ayaa gudaha dalka Kenya ka fulisay 100 weerar, oo qaraxyo u badan tan iyo sanadkii 2011, xilligasi oo Ciidamada Kenya soo galeen Somalia.

Kenya waxaa kusoo wajahan doorashada Madxtinimo bisha Augusta ee nagu soo aaadan, iydoo qaraxyo ka dhacayaan gobollada ku teedsan xuduuda dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM