Somalia: Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Mahadaay

Image

MAHADAY, Somalia -Saddex Askarii oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa la xaqijiyay inay ku geeriyoodeen qarax maanta lagula eegtay duleedka degmada Mahadaay.

Goob joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, taasi oo lala eegtay Kolonyo ay wateen ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM.

"Qaraxa waxa ciidamada lagula eegtay inta u dhaxayso Biyo Cadda iyo degmada Mahadaay, oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe," ayuu yiri kamid ah dadka ku nool Biyo Cadde oo la hadlay GO.

Qaraxa waxa uu burburiyay gaari nooca Cabdi-Bile loo yaqaano, oo ay la socdeen ciidamada dowladda Somalia oo wehlinayay kuwa AMISOM, oo kusii jeeday degmada Mahadaay, sida Goob joogaha uu sheegay.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka, sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda, oo maanta soo qoray in ugu yaraan 5 askari ku dhimatay qaraxa miino ee duleedka Mahaday.

Wa ma jiraan warar kasoo baxay AMISOM iyo Saraakiisha militariga Somalia oo ku aadan weerarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM