Somalia: Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Mahadaay

Image

MAHADAY, Somalia -Saddex Askarii oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa la xaqijiyay inay ku geeriyoodeen qarax maanta lagula eegtay duleedka degmada Mahadaay.

Goob joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, taasi oo lala eegtay Kolonyo ay wateen ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM.

"Qaraxa waxa ciidamada lagula eegtay inta u dhaxayso Biyo Cadda iyo degmada Mahadaay, oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe," ayuu yiri kamid ah dadka ku nool Biyo Cadde oo la hadlay GO.

Qaraxa waxa uu burburiyay gaari nooca Cabdi-Bile loo yaqaano, oo ay la socdeen ciidamada dowladda Somalia oo wehlinayay kuwa AMISOM, oo kusii jeeday degmada Mahadaay, sida Goob joogaha uu sheegay.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka, sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda, oo maanta soo qoray in ugu yaraan 5 askari ku dhimatay qaraxa miino ee duleedka Mahaday.

Wa ma jiraan warar kasoo baxay AMISOM iyo Saraakiisha militariga Somalia oo ku aadan weerarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM