Askar looga shakiyay Shabaab oo lagu qabtay Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia - Labo Askari oo looga shakiyay inay katirsan yihiin Kooxda Al shabaab ayaa lagu qabtay maanta gudaha xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, ee magaalada Muqdishu.

Illo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa GO u xaqiijiyay in mudo kooban Madaxtooyada gashay xaalad jahwareer ah, markii 2 Askari oo aan kamid ahayn Illaalada lagu dhex arkay iyagoo hubaysan.

Howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada gaarka ee Madaxtooyada Somalia, ayaa lagu qabtay raggaas hubaysan oo loo gudbiyay Xabsi ku dhex-yaalla Villa Somalia, oo lagu weydiinayo Sa'uaallo.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la qabtay dhowr qof oo katirsan shaqaalaha Villa Somalia, oo looga shakiyay inay wadashaqeyn la leeyihiin Al shabaab, islamarkaana ay is yaqaanaan 2da Askari ee la qabtay.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ammaanka Madaxtooyada Somalia oo ku aadan Howlgalka iyo askarta la qabtey, ee looga shakiyay inay maleegayeen weerar lagu qaado Madaxda dalka.

Waa markii ugu horaysay howlgal caynkan ah ka dhaco madaxtooyada Somalia tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmajo bishii Labaad ee sannadka 2017

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM